Warbixinta talaalka karonaha ee degmada Lørenskog

Gacaleyaal dadwenaha reer Lørenskog.

Degmada Lørenskog waxay bilowday talaalka karonaha. Karonuhu waa xanuun si fudud loo kala qaado, Masuuliyiinta caafimaadka wadankuna waxay ku talinayaan in dadka ugu badan ee qaadan kartaa talaalka ay qaadataan. Hadii aad is talaasho waxaad ka badbaadaysaa xanuunka. Talaalku waa bilaash, waajibna maa ha.

Hayadda saxadda bulshadu waxay noo keentaa talaalka karonaha sitimaan walba

Masuuliyiinta caafimaadka wadanka ayaa siiyey degmooyinka jadwalka cidda laga fuudhyeelayo marka dadwenaha la talaalaayo. Kaas oo degmada lørenskogna uraacayso siday u kala horeeyaan.

  1. Dadka ku nool goobaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo iyo kooxo shaqaalaha caafimaadka ka ah oo si gaar ah la soo xulay.
  2. 85 jir ama kaweyn
  3. 75-84 jir
  4. 65-74 jir. Dadka xanuunku khatarta ku yahay ee da doodu u dhaxayso 18-64 jir
  5. 55-64 jir. Leh xanuuno hore
  6. 45-54 jir leh xanuuno hore
  7. 18-44 jir leh xanuuno hore
  8. 55-64 jir
  9. 45-54 jir

 

Iminka waxaa talaalkoodu socdaa: 18-44 jir leh xanuuno hore

Masuuliyiinta caafimaadku ku talinayaan in la talaalo caruurta iyo dhalaanka 16 ka yar. Talaalkan la soo saaray laguma tijaabin dhalaanka 18 sano ka yar. Dhif iyo naadir baanay dhacdaa in caruurtu aad ugu xanuunsadaan karonaha.
 

Wakhtiga talaalka

Waanu la soo xidhiidhaynaa dadka, kadib markaanu soo gaadhno koox walba markeeda. Hadii aad ka diiwaangashan tahay Lørenskog waanu kula soo xidhiidhaynaa marka doorkaaga lasoo gaadho. Fariin baanu kuugu soo diraynaa taleefanka kuu diiwaan gashan. Waxaad gujinaysaa linkiga fariinta, si aad u dalbato balanta talaalka. Hadii aad caawimo rabto si aad balan u samaysato, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa 67495037 maalmaha shaqada (10-14:00)

Hadii aanad degenayn Lørenskog, waxaad iska diiwaangelin kartaa safka talaalka loogu jiro ee boggen. registrere deg i vaksinekø på denne nettsiden.

Markaas waxaad dooraneysaa: kumeel gaar ayaan degmada u deganahay. Waxaad kaloo boggen safka talaalka gelin kartaa xubnaha qoyskaaga.
 

Balanta talaalka

Imow xarunta talaalka shan daqiiqo kahor balanta. Isticmaal geedka afka lagu xidho, oo isu sheeg shaqaalaha halkaasi jooga markaad timaado. Waa inaad gashantahay dhar keeni kara in cududdaada si fudud loo gaadhi karo. Hadii cunaha ama hawomareenada aad waxka dareemaysid, ama aad yara xanuunsan tahay balanta waa inaad baajisaa, xitaa hadii calaamadahu ay khafiif yihiin. Soo wac taleefanka talaalka si aad balan cusub uheshid 67495037.
 

Halkaan ka qaadanayaa talaalka?

Degmada Lørenskog waxay ku leedahay xarun talaal oo ugaar ah. Dabaqa 2aad ee suuqa weyn ee Metro. Waa qaybta Metro ee ka danbeysa dhismaha Lørenskog(qaybtii uu hore ugu ooli jiray dhismaha MAXI). Xarunta talaalku waxay ku taalaa goobtii uu hore ugu ooli jiray G-sport. Cinwaanku waa kulturhusgate 2
 

Sidaan ku tegayaa halkaas?

Hadaad gaadhiga dhigatid baarkeerinka xaga hoose. Waxaad isticmaalaysaa albaabka ay ku qoran tahay suuqaweyn ee Metro. 3 saacadood ayaad bilaash ugu baarking gareyn kartaa halkaas. Waa la ogol yahay inaad istaagto wakhti kooban albaabka suuqa hortiisa. Meesha basku istaago ee ugu dhow waa Knatten. Suuqu wuxuu leeyahay wiish.
 

Turjumaan miyaan ubaahnahay?

Xaqbaad uleedahay turjumaan markaad talaalka qaadanayso. Turjumaaanku waa lacaglaaan. Hadaad turjumaan u baahan tahay nala soo socodsii markaad balanta saamaysanayso adigoo mail noogu soo diraya cinwaankan koronavaksine@lorenskog.kommune.no, ama naga soo wac tlf, 67495037(maalmaha shaqada 10-14) Turjumaanka iyo shaqaalaha caafimaadkuba xilqarsiinyo ayey leeyihiin. Taas oo macnaheedu yahay in warbixintaada caafimaadka ay sir ahaan u xafidayaan.

 

Warbixin ku aadan talaalka karonaha

Bogga internedka ee www.lorenskog.kommune.no/koronavaksine waxaad ka helaysaa warbixin kasta oo ku saabsan talaalista karonaha ee Lørenskog. Halkaas waxaa kalood ku arkaysaa kooxda iminka talaalku usocdo.
 

Talaalku ma yahay mid aan waxyeelo keenayn

Talaalada karonaha ee kala duwani waxay maraan nidaam baaxad leh oo tijaabin ah, ka hor inta aan la ogolaan isticmaalkooda. Lama helin in uu dhib khatar ah wato talaalka karonuhu. Kuma jiraan wax khatar ahi walxaha talaalku ka samaysan yahay, diimaha oo dhami na way ku ogolaadeen.

Waxaan rajaynaynaa in uu warkani yahay midwax ku ool ah. Nala soo xiriir hadaad wax suaal ah haysid. Ku soo dhowow in lagu talaalo

Salaan saaxiibtinimo, Degmada Lørenskog.